Weriye aflagaadeysay madaxweyne Erdogan oo xabsi la dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigtay weriyaha caanka ah ee Sedef Kabas oo lagu eedeeyay inay aflagaadeeysay madaxweynaha dalkaasi.

Ms Kabas ayaa Sabtidii lagu xiray magaalada Istanbul, waxaana maxkamad ay amartay in xabsiga la dhigo ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.

Waxaa lagu eedeeyay inay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku beegsatay maahmaah ay ka soo xigatay talefishinada tooska ah ee xiriirka la leh mucaaradka. Balse eedeeyntaasi waa ay diidday.

Ciqaabta eedeyntan ayaa waxa ay noqon kartaa xabsi u dhaxeeya hal ilaa afar sano.

“Waxaa jirta maahmaah aad caan u ah oo tiraahda qofka la boqro inuu cilmigiisa siyaado. Laakiin waxaan aragnaa inaysan run ahayn,” ayay ku tiri kanaalka Tele1 . “Dibi boqor kuma noqdo in soo galo qasriga oo keliya, laakiin qasrigu wuxuu noqdaa xero xoolaha lagu xareeyo.”

Waxay sidoo kale markii dambe soo dhigtay oraahdaasi barta Twitter-ka.

Af hayeenka guud ee Mr Erdogan Fahrettin Altun ayaa hadalkeeda ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah.

“Qofkaan Wariye lagu magacaabay ayaa si bareer ah madaxweynaheenna ugu caaysay telefishin aan ujeeddo kale lahayn oo aan ka ahayn faafinta nacaybka,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Hase yeeshee Ms Kabas waxay ku beenisay inay damacsan tahay inay aflagaadeyso madaxweynaha.

Tafatiraha kanaalka Tele1 Merdan Yanardag ayaa dhaleeceeyay xariga Ms Kabas.

“Xariga Kabas ee la xiray 2-dii habeenimo maahmaah darteed waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yiri. “Mawqifkani waa isku day lagu cabsi gelinayo suxufiyiinta, warbaahinta iyo bulshada”.

Mr Erdogan waxa uu 11 sano ra’iisul wasaare ahaa ka hor inta uusan noqon madaxweynihii ugu horreeyay ee si toos ah loo doorto bishii Ogosto 2014-kii.

Aamusinta dadka dhaleeceya Erdogan ayaa keentay qeylo dhaan dibadda ah, taasoo gacan ka geysatay xiriirkii xumaaday ee uu la lahaa Midowga Yurub, kaasoo hakiyay qorshihii Turkiga uu ugu biiri lahaa Midowga Yurub.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen Mr Erdogan tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Sannadkii 2020 in ka badan 31,000 oo baaritaan oo la xidhiidha eedaymaha ayaa la gudbiyay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

BBC