Weriye Soomaali ah oo ka tagay shaqada dowladda Itoobiya kadib dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nasridiin Xasan Daahir oo kamid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala teleefishinka Qaranka Itoobiya ee ETV ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagey shaqadiisa kadib dhibataada ka dhalatay dagaalka ka dhacay degmada Garba Ciise halkaas oo ay colaad ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta.

Wuxuu jeediyay dhaliil ah in si caddaalad ah waxbo loogu tebin shacabka Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhaca gobollada ay degan yihiin.

“Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso”

“Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjaamano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebineyay” ayuu yiri Nasridiin.