WHO oo ku dhawaaqday in Covid 19 lasoo afjari doono Sanadkaan

NEW YORK-AYAAMAHA-Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in cudurka faafa ee coronavirus laga adkaan doono sannadkan curtay ee 2022, waa haddiise buu yidhi dalalku ay iska kaashadaan xakameynta fiditaanka cudurka.

Dr Tedros Adhanom ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay “waddaniyadda wareersan iyo tallaalka la keydinayo” bayaan uu soo saaray sanadka cusub.

Hadalka Madaxa WHO ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli uu laba sano jirsaday cudurka safmarka ee coronavirus.

Kiisaska guud ee dunida oo gaaray 287 malyan waxaa cudurka safmarka naftooda ku waayey 5.5 malyan oo qof.

Iyada oo dunida inteeda badan looga dabbaal dagayo curashada sanadka cusub haddana dowladuhu waxay ku shacabka ku cadaadinayeen iisu imaatanka badan si loo yareeyo khatarta faafitaanka cudurka.