Wiil darbi jiif ahaa oo loogu dilay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska ceel-gaabta ee Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay wiil kamid ahaa derbi jiifta ku nool degmadaas.

Dilka wiilkaan ayaa yimid ka dib markii mid ka mid ah ciyaalka darbiya jiifka ah uu taleefan ka dafay rag bastoolado watay oo moota Bajaaj saarna ka dibna kala cararay .

Ragii laga dafay taleefanka waxaa ay eryadeen wiilka taleefanka dafay Xabadihii loowadayna waxa ay ku dhaceen sxbkiis oo goobta fadhiyay sidaasna uu ku geeriyooday sida ay ii xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahaa.

Wiilka geeriyooday ayaa xabadda waxaa ay ka haleeshay madaxa , daqiiqado oo uu meydkiisa goobta yaalay kadib ayaa halkaas waxaa ka qaaday ciidamo boolis ah .

Hadda waxaa goobtii uu dilka ka dhacay banaan baax ka wada wiilka geeriyooday saaxiibadiis darbiya jiifka la’ahaa jidka ayay xereen oo ay taayaro xiligaan ku gubayaan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee arrintaan dhacdo, waxaa marar badan dil loo geystaa wiilasha derbi jiifta oo mararka qaar sidan oo kale intay wax dhacaan sidaasna lagu dilo.