Wiil dhalinyaro ah oo koox hubeysan ku dhex dishay gurigiisa.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo baxaya faahfaahino dheerad ah oo la xiriira nin dhalinyaro ah oo lagu diley xalay guri uu ka degenaa xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen guriga uu ka degenaa Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir kadibna ku dileen Muqtaar Yalaxow oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Lama oga sababta loo diley wiilkan dhalinyarada ah iyadoo falka noocan oo kale ah uu ku soo badanayo magaalada Muqdisho.Dadka ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan gaarin ciidamada Booliska.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilkiisa sidoo kale laamaha ammaanka kama hadlin dilka loo geystey wiilkan dhalinyarada ah.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadkan waxaa xoogeystey dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah.