Wiil dhalinyaro ah oo telefon dartiis loogu dilay Magaalada Muqdisho

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa Dhalinta waxbaratay ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee  Caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegay in xalay dil loogu geystay Magaalada.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Cabdullaahi Warsame Black, waxaaan uu ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Muqdisho, iyadoo dilku uu ka dhacay Degmada Warta Nabadda ee Gobolkani Banaadir.

Koox hubaysan ayaa la sheegay in ay dilka u gaysteen Marxuumka, xili uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalla Wartanabadda.

Dad Goobjoogayaal aha ayaa sheegay in dableyda falka dilka ah gaystay ay doonayeen in ay Marxuumka ka dhacaan taleefan uu watay, iyagoo Goobta ka baxdaday dilka kadib.

Goobta uu dilku ka dhacay waxaa gaaray Laamaha ammaanka, lamina shaacin cid ilaa hadda loo soo qabtay dilkaasi, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa intabdan waxaa ka dhaca dilal noocaan ah oo loo geysto dadka shacabka ee hantidooda laga dhaco dilna loogu darro, mana jirto qof loo soo qabtay dilal.