Wiil uu dhalay hogaamiyihii Al-qaacidda bin Laden oo si wayn loo hadal hayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bandhig sawir-gacmeed uu sameeyay wiil uu dhalay Cusaama bin Laden oo lagu soo bandhigayo dalka Faransiiska ayaa soo jiitay taageerayaal badan ka hor inta aan la furin bandhigaasi.

Cumar bin Laden oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden, waxa uu aad u jeclaa in uu rinjiyeeyo xiliyada uu ku jiro xabsiyada.

Sawiradiisa ayaa ah kuwa diirada lagu saari doono bandhiga lagu qabnayo dalka Faransiiska, waxaana arrintan ay soo jiidatay dad badan.

Waxaa uu sheegay in intii ay guriyaha ku xayirnaayeen uu waqti badan ku bixin jiray sameyn sawir gacmeedyada. Waxaa uu sheegay in mar uu sawir gacmeed ka sameeyay xaaskiisa.

Cumar bin Laden ayaa sheegay in sida wax loo sawiro uu ka bartay muuqaalo uu ka daawaday YouTube-ka.

Wiilkan uu dhalay Usama ayaa aabihii la noolaa ilaa uu da’da 19 ka gaaro, isaga oo mar kula noolaa Sudan.