Will yar oo lagu sameeyay qalliin noociisa aan horay dunida loogu arag

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaqaatiirta Mareykanka ayaa sheegay in will yar oo lagu magacaabo Easton uu dhigay taariikh xagga caafimaadka ah kaddib markii uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dunida oo dhan ee helay adeeg wadna beeris ah iyo qanjirka thymus-ka ee difaaca jirka oo wada socda.

Tallaabadan ayaa la qaaday si loo badbaadiyo noloshiisa, balse waxaa sidoo kale loo arkaa inay gacan ka geysan doonto sare u qaadidda cilmiga ku aadan qalliinada lagu baddelo xubnaha jirka.

Muddo bilooyin ah ayaa ka soo wareegtay markii uu qaliinka maray, wuxuuna baaritaankii la sameeyay muujiyay in xaaladdiisu soo wanaagsanaaneyso.

Wiilkan waxaa sidoo kale lagu beeray xubinta loo yaqaanno thymus, oo haatanba shaqeynaysa, kaas oo kamid ah unugyada difaaca jirka isla markaana ku taalla qeybta sare ee laabta, wadnahana u dhow.

Mid kamid ah dhaqaatiirtiisa, Joseph Turek oo ka socda isbitaalka jamacadda Duke ayaa yiri, “waxaan aad ugu faraxsanahay howsha aan qabanay”.

“Talaabadan ayaa waxaa ay wax ka bedeli doontaa qaliinka xubnaha gudaha ee mustaqbalka dambe,” ayuu intaasi raaciyay.

Qanjirka Thymus, wuxuu caawiyaa koritaanka unugyada T-cells oo ka mid ah habka difaaca jidhka.

Dhaqaatiirta Easton ayaa aaminsan in jirkiisu la qabsan doono unugyadaasi lagu beeray.

Source:- BBC