Wufuud kala duwan oo Maanta ku qulqulaya Magaalada Baydhabo

Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaruunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofu Galbeed ee Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabadda Sadsex sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble o qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo shalay tegay ayaa xalay kulamo ka bilaabay Magaalada Baydjabo, waxaana uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Baydhabo ay tagaan Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.