Xaaf oo diiday qorshe uu damacsanaa Qoor qoor

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha galmudug Axmed cabdi kaariye (qoor qoor) ayaa is hortaagay saxaafada oo ay la hadli rabeen xalay xildhibaano ka hor yimid caburin cusub uu qoor qoor sameeyey.

Waxaa loo diiday inay taageero umuujiyaan murashaxiinta xilli Baarlamaanku soo dooran doono Xildhibaanada cusub ee aqalka sare.

Guddiga Amniga Galmudug ayaa waxay amar kasoo saareen hubka tirada badan ee dhuuso mareeb iyo deegaanada kale soo galayey.

Gaashaanle sare khaliif cabdulle maalin ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cidii uhogaansami weyda amarka ay soo saareen.

Dadka abla ableeya siyaasada soomaaliya ayaa tani ku micneeyey mid xaaf lagu xaniinyo qabanayo balse isaga uu taas ka diiday qoor qoor.

Kulan is hor fadhiisi ah oo dhex maray laba axmed waa qoor qoor iyo xaaf ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday markii la isku fahmi waayey in laga reebo liiska murashaxiinta aqalka sare.

Beesha uu Abshir Bukhaari ka dhashay ayaa diiday in hadii Cabdi Qeybdiid loo xiro kursiga Aqalka sare ee beesha sacad iyaguna saleebaan bukhaari soo saari doonaan.

Dadka siyaasada indha indheeya waxay ka digeen in xaalad adag ay ka dhalan karto hadii kuraasta qaar ay Galmudug Hogaankeeda dadka ay rabaan siiso kuwo kalena ay hor istaagto.

Kursiga Dhag dheer waxaa doonaya siyaasiyiin uu ka mid yahay C/qaadir jaah weyn iyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte balse dhag dheer ayaa soo laaban kara.

Qoor qoor ayaa kursiga Bukhaari inuu ku bedelo doonayaa Kamaal Daahir Guutaale oo waayihii dambe saaxiibo ay wada ahaayeen.