Xaalada degmada Guriceel oo saaka ah mid aad u kacsanaan.

Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay
Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Goobaha Ganacsiga ee kuyaal degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka xiran, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna.

Ciidamada xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadaan duleedka degmada Guriceel taas oo cabsi ku abuurtay Bulshada Magaalada

Boqolaal qof ayaa wali ka maqan guryahooda, waxana ay ugu baaqeen ciidanka dowladda iyo Ahlusunna in ay heshiis gaaraan.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ayaa waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay inay ka barakaceen in ka badan  Kun qoys, kuwaas oo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.