Xaalada Caafimaad ee Madaxweynihii hore Sudan oo laga deyriyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qareenka Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ee xilka laga tuuray Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in xaalad adag ah uu marayo Madaxweynaha maadama lagu arkay astaamaha cudurka Covid-19.

Qareenkaan ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha la daala dhacayo Matag iyo Shuban ayna jirin wax gargaar caafimaad ah loo fidiyay.

Garsoorka sare ee dalka ayaa sheegay inay ka war dhowrayaan laamaha caafimaad ee xabsiga ka jira hadii ay ku adkaato inay wax ka qaban waayana lageyn doono isbitaal gaar ah.

48saacadood ayay haystaan laamaha Caafimaadka ee Xabsiga Al-bashir uu ku jiro si ay warbixin xaaladiisi Caafimaad uga keenaan.