Xaaladda Boosaaso oo sii adkaaneysa iyo ciidamo horleh oo lagu daabulayo

MUQDISHO-AYAAMMAHA-Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay si weyn looga dareemayay dhaq-dhaq Ciidan iyo saan-saan dagaal ayaa waxaa hadda lagu soo warramayaa in xaaladdu tahay mid deggan.

Madaxtooyada Puntland ayaa Ciidamao farabadan ku daabulaysay Magaaalada Boosaaaso, waxaana la arkyay Ciidamo aad u hubeysan oo qaybo ka mid ah Magaalada fariisimo cusub ka sameysatay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in saaka labada dhinac ay ku kala sugan yihiin goobihii ay ku waaberriisteen, iyadoo dadka Magaalada ay ku warramayaa in ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in dagaal toos ah billowdo,maaddaama aysan jirin cid si toos ah u kala dhex-gashay labada dhinac ee is horfadhiya.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxtooyada Puntland ay xilkii ka qaaday taliyihii Ciidanka PSF ta, iyadoo taliyaha Cusub ee uu magacaabay Deni uusan ilaa iyo hadda tagin taliska Ciidanka PSF ta, waxaana khilaafka ka taagan Magaalada Boosaaso oo ah xaruunta PSF-ta.