Xabad madaxa loogu dhuftay ayuu u geeriyooday kadib markii uu diiday inuu dhiibo taleefoonkiisa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo Burcad hubeysnaa ayaa xalay Xaafada Jamhuuriyah ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed kana mid ahaa Ardaydii sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ayaa waxaa la sheegay in ragga Burcadda ah ay ka qaateen taleefoonka gacanta oo uu watay, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah dadka Xaafadda Jamhuuriyah ayaa sheegay in ragga Burcadda ah ay Wiilka ku amreen in uu taleefoonka kusoo wareejiyo, balse markii uu isku dayay in uu ka baxsado ay dhowr xabadood madaxa kaga dhufteen, isla markaana dhaawac culus oo soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha amniga degmadaas weli kama hadlin dilka Wiilka Dhalinyarada ah, hayeeshee bilihii la soo dhaafay ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay Wiilal dhalinyaro ahaa ku dileen Xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir, iyaga oo ka qaatay taleefoono iyo Agab kale.