Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo la qorsheynayo in dib loo furo iyo sababta ka dambeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faarax Maclin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, ayaa ku baaqay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Wajeer iyo Mandheera si loo fududeeyo ganacsiga isaga gudba labada dal.

Xadka ayaa la xiray ku dhawaad ​​afar sano ka hor, iyadoo xeritaanka uu qeyb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo weeraro kasoo qaada Soomaaliya.

Marka laga soo tago dhanka ammaanka, waxaa sidoo kale jiray walaac ku saabsan ka ganacsiga maandooriyaha iyo ka ganacsiga waxyaabaha been abuurka ah ee laga geliyo xuduuda.

Faarax Macallin oo u tartamaya Kursiga Degaanka Dhadhaab Doorashada Guud ee soo socota oo August 2022 dhacaysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego go’aanka lagu xiray xadka, islamarkaana la ogolaado in ganacsiga uu kasoo galo Soomaaliya, lagana hirgeliyo kastamka Canshuuraha.

Waxaan abuuri karnaa dhaqaale kobac, hadii la furo xudduuda, sidoo kalena waxaan awoodnaa inaan meesha ka saarno amni-darrada. Hadda, ma jiraan wax wadaag ah oo daaq, ilo dhaqaale, iyo sirdoonka amniga ee labada dhinac, sababtoo ah xadka waa xiran yahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xildhibaankii hore ayaa sheegay in furitaanka xuduudka uu ka caawin doono is dhexgalka Bulshada Kenya iyo Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim u tahay in la furo xadka Soomaaliya dhinaca Liboi, El-Wak, Diff, iyo Hamuma oo Wajeer ka tirsan.