Xafiis ku yaalo Muqdisho oo la sheegay in laga soo abaabulay qaraxii Macalimuu.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah golaha shacabka ayaa waxa sheegay in ay shaki ka qaadeen sababta saaxiibada Ra’iisul Wasaare Rooble loo beegsanayo oo kuwa Farmaajo ku dhaw aan lala damcin dil iyo weerar toos ah.

Siyaasiyiin iyo xubno katirsan Dawlada ayaa looga digay inay wajihi karaan shirqoolo lagu dili karo,taas oo laga yaabo in mas’uliyiin ay soo agaasimeen.

Weerarkii maanta lagu dhaawacay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa durba shaki laga muujiyey cida soo abaabushay.

Waloow ay Al Shabaab sheegteen mas’uuliyada weerarkaasi hadana waxaa farta lagu godayaa in saraakiil xilal sare heysa ay fududeeyeen shirqoolkaasi.