Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Cali Guudlaawe oo khilaaf soo kala dhex galay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku eedeysay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo mid ka shaqeenaya iska hor keenida bulshada ku dhaqan gobollada hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Lataliyaha Madaxweynaha Hirshabelle Cabdikiriin Doob yare ayaa waxa uu wareysi bixiyey ku sheegay in ay jiraan xogo ay hayaan oo xafiiska farmaajo ka dambeeya is hortaaga Madaxweyne Cali Guudlaawe Ee Beled weyne.

Doob yare ayaa muujiyey shakiga ku geedaaman waxyaabaha isku soo beegay safarka Muqdisho lagu keenay general Xuud iyo qorshaha hor istaaga cali guudlaawe ee beled weyne ku wajahan yahay.

Lataliyaha Cali guudlaawe ayaa sidoo kale ku sheegay wareysiga uu bixiyey in aysan wax saameyn ah u arkin balse hadalkiisa ayaa doob yare soo banaanbixiyey khilaaf hoose oo ka dhashay uyeerida Muqdisho Ee General Xuud.