Xagee ayey u carareen kooxdii Ahlusunna ee maalmahan dagaalka adag la galay ciidamada dowladda.

Ahlu-Sunna
Ahlu-Sunna

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda Ahlu-Suna ayaa saaka isaga baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah.

Warar ayaa sheegaya in ciidanka Ahlu-Suna ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Macada in si toos ah ay fariisin uga dhigteen deegaankaas iyo inkale balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadalo dhexmari doono hogaanka ururka iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor.

Xaashi Carabeey oo ah ganacsadihii shalay dhexgalay dagaalka Ahlusunna iyo Galmudug ayey wararku sheegayaan inuu lasoco kooxda isla markaan uu u raacay deegaanka Balicad oo ay ku sugan yihiin ciidanka Ahlu-Suna, waxaana lagu soo waramaya in uu garwadeen ka yahay wada-hadalada iyo dadaalada lagu xalinayo sidii si rasmi ah loogu joojin lahaa dagaalka guriceel.