Xagee ayuu ku dambeeyey Magacaabistii Bashiir Goobe ee Hay’adda Nabadsugida?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in magacaabistii Ra’iisul wasaare Rooble ee Bashiir Goobe uu u magacaabay taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaran ee laga qaaday fahad Yaasiin ay shaqeyn weysay.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo horjesytay magacaabista Rooble ee Bashiir Goobe ayaa si kumeel ah waxaa uu Hay’adda Nabadsugida ugu Magacaabay Yaasiin Faray oo horey u ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka, isagoo islamarkiiba Hay’adda uu la wareegay.

Bashiir Goobe ayaa la sheegay inuu dibad joog ka yahay Ha’adda Nabad sugida oo uusan tagi karin. xaruunta waxaa hadda jooga taliyaha kumeel gaarka ah ee Farmaajo Yaasiin Faray.

Arrintaan ayaa u muuqatada in go’aankii Rooble ee magacaabista Bashiir Goobe ay shaqeyn waysay.