Xagee lagu qaban doonaa doorashada ay shaaciyeen Guddiga doorashada Jubaland?

Doorashada xildhibaanada Maamulka Jubbalamd

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay magacyada Guddiga xulista Ergooyinka kuraasta #HOP124 iyo #HOP029.

Doorashada ayaa sida qorshunyahay ka dhici doonta Magaalada Ceelwaaq ee isla Gobolka Gedo, inkastoo aan la ogeyn falcelinta ka imaankarta Kooxda Madaxweyne Farmaajo oo rabay in doorashada lagu qabto Garbahaarey.

Kursiga #HOP124 oo uu ku fadhiyay C/raxmaan Dheere oo ahaa  gacanyaraha Taliyihii hore ee muranka badan dhaliyay ee NISA Fahad Yaasiin.

Cabdiraxman Dheere ayaa kursigan ku soo laaban doonin, waxaana loo xiray  ganacsade Maxamed Nadiif oo horay ugu fadhiyay kursigan xilligii Dowladdii KMG ee Mbaghati.

Kursiga hop 029 waxaa hadda loo xiray Axmed Maxamuud Jaamac oo ah Wariye ka tirsan Madaxtooyadda Jubbaland, waxaana lagu waddaa in uu kusoo baxo maalinta berri ah.