Xaggee ayuu ku dambeeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Hirshabeelle ee Yuusuf Dabageed?

BELEDWEYNE-AYAAAMAHA-Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo uu hogaaminayo korneyl Cabdillahi Rooble iyo kuwo taageersan Janaraal Xuud ayaa xalay qabsaday qaybo ka tirsan magaalada Beledweyne oo ay ku jirto xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyihii gobolka Cali Jayte ayaa wali ku sugan Beledweyne gaar ahaan xerada Lamagalaay halkaas oo ay ku haystaan ciidamo ilaallo u ah.

Ciidamada qabsaday magaalada ayaa fadhiya aaggag ku dhaw halka uu dagan yahay Yuusuf Dabageed iyadoo laga baqayo inuu dagaal dhexmaro labada dhinac xili kasta.

Odeyaasha Dhaqanka ayaa ku dadaallaya in xiisadda la qaboojiyo, wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka ka taagan Beledweyne.

Ciidamada Beledweyne Qabsaday ayaa sheegay inay diidan yihiin caburin dadweynaha gobolka lagu hayo kadib markii ay ka horyimaadeen qaabka awood qaybsiga ee Hirshabeelle lagu dhisay, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warrarka qaar ayaa sheegaya inuu jiray isku day la doonayay in Beledweyne uu booqasho ku tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, balse dadka kacdoonka ayaa muddo dheerba diidanaa in Cali Guudlaawe tago Beledweyne iyada oo aan la xalin cabashadooda.