Xaguu ahaa bartilmaameedka qarixii ka dhacay wadada Cabdiqaasim?

Qaraxa ka dhacay wadada Cabdiqaasim
Qaraxa ka dhacay wadada Cabdiqaasim

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan rr gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay taliskja ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.

Qaraxan ayaa ka mid noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.