Xaguu ku dambeeyey kiskii Ikraan Tahlii? Xog cusub.

MU1DISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

Xildhibaan Aamina oo kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo qoyska Ikraan Tahliil tiri “Ra’iisul Wasaaraha oo aan maanta ugu tagnay inaan kala hadalno Kiiska Ikraan, wuxuu noo ballan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo”

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta inay u caddeeyeen in Kiiska halkii laga baari lahaa ay is hortaagtay Madaxtooyada iyo hoggaanka taliska NISA u aqoonsan yihiin ayna isku dayayaan in caddeymihii Kiiska oo idil la baabi’iyo oo ay ugu horeyso in la tirtiro kaamirooyinkii.

Sidoo kale maamo Qaali Guhaad ayaa ku eedeysay in Madaxweyne Farmaajo uu hortaagan yahay cadaaladda kiiska gabadheeda Ikraan.

“Kiiskaan wuxuu ku dhamaan karaa kaliya Ikraan oo Nolol lagu helo ama dadkii dilay oo inta maxkamad xukunto aniga oo u ujeedo Wejigooda arkaaya School Polizia lagu Toogto”

Madaxtooyada iyo hogaankii hore ee NISA ayaa si weyn looga tuhmayaa inay ka dambeeyeen dilka Ikraan inkastoo weli aysan jirin wax maxkamad xukuntay.