Xaguu ku yaal hotel Villa Rose ee uu weerarka ka socdo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoteelka Villa Rose, waxa uu ku yaal xayndaabka sida wayn loo ilaaliyo ee ay ku taal xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka caaggan yihiin inay galaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah.

Sidaas oo ay tahayse waxaa muuqata in ragga weerrarka soo qaaday ay ka gudbeen baro koontorool oo badan oo aad loo ilaaliyo, kaddibna ay hoteelka weerrar ku ekeeyeen.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay u gudbaan halkaas oo ay weerrarka intaasi la eg ka gaystaan.

Hoteelkan aadka loo ilaaliyo ayaa waxaa la sheegayaa inay si joogto ah u tagaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, siyaasiyiin, iyo xitaa saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidammada.