Xamaas oo rajo ka qabta in xabbad-joojin la gaaro

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay inuu rajeynayo in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin “maalin ama labo maalin gudahood” xilli werarrada ay weli sii socdaan.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii sheegay “inay ka go’an tahay in weerarku sii socdo” ilaa “xasiloonida iyo ammaanka dib loogu soo celiyo muwaaddiniinta Israa’iil”.

“Waxaan u maleynayaa in dadaallada socda ee la xiriira xabbad-joojinta ay guuleysan doonaan,” Muusa Abu Marzuuk, ayaa sidaas u sheegay Telefishinka al-Mayadeen ee Lubnaan laga leeyahay.

“Waxaan filayaa in xabbad-joojin lagu gaari doono maalin ama labo maalin gudahood, xabbad-joojintuna waxaa lagu saleyn doonaa heshiis labada dhinac ah.”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu sii xoogeysanayo cadaadiska beesha caalamka ee lagu saarayo Israa’iil iyo xooggaga Falastiiniyiinta inay soo afjaraan dagaalka u dhexeeya.

Ugu yaraan 227 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 haween iyo carruur ah, ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay Gaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka halkaas. Israa’iil ayaa sheegtay in ugu yaraan 150 dagaal-yahanno ah ay ku jiraan kuwa lagu dilay Gaza. Xamaas ma aysan bixin xog ku saabsan tirada askarta uga dhimatay dagaalka.

Gudaha Israa’iil ilaa 12 qof, oo ay ku jiraan labo carruur ah, ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka. Israa’iil ayaa sheegtay in ilaa 4,000 oo gantaallo ah ay xooggaga ku sugan Gaza ku tuureen gudaha dalkaas.