MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa todobaadkan siideyn doonto lix kamid ah dadka ay ka soo qafaasheen Israa’iil, iyadoo Israa’iilna ay u ogolaan doonto dadka reer Qasa inay Isniinta maanta ah ku laabtaan guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, sida uu sheegay raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
La haystayaasha la siideynayo waxaa kamid ah Arbel Yehud, taas oo udub dhexaad u ahayd khilaafka Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana horseeday in Israa’iil ay ka caga jiido in dadka reer Qasa loo ogolaado inay gudaha u galaan waqooyiga Qasa.
Xamaas ayaa sabtidi siideysay afar ka tirsan askarta Israa’iil.
Israa’iil waxay Xamaas ku eedeysay inay jebisay heshiiskii xabad joojinta. Tani iyo markii uu dhaqan galay heshiiska labada dhinac, waxaa la siidaayay todoba la haystayaal ah oo Xamaas ay siideysay iyo in ka badan 200 oo ay Israa’iil ah.
Kumanaan qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah oo isku deyaya inay gaaraan waqooyiga Qasa ayaa isugu yimid kantaroolka ciidamada milatariga, kuwaas oo laba maalmood ka hor taagnaa inay gudbaan.
Wareegga saddexdaad, Xamaas waxay Jimcaha siideyn doontaa Yehud iyo laba kale, halka saddexda kalena la siideyn doono Sabtida, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyaasha wadahadallada ee Netanyahu iyo Qadar.