Xamse oo shaaciyey hal qodob oo lagu gaarikaro doorasho qof iyo cod ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimadda ay dowladda ugu fadhiso maamul goboleedyada dalka ka jiro.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonto ay ku xiran tahay heshiis dhexmara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, wuxuuna ku taliyay in la adkeeyo cilaaqaadkaas, si ku dhaqanka dastuurka loo joogteeyo.

“Dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo dowladda dhexe waa inay heshiis yihiin,haddaysan heshiin Dastuur ma dhaqaaqayo,Doorasho qof iyo cod ahna lama gaarayo,waa lagama-maarmaan in laga heshiiyo halka dalkan uu u dhaqaaqayo” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili uu todobaadkan banaanka yimid khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, iyadoo Deni iyo kooxdiisa ay caro ka qaadeen guuldaradii doorashada madaxweyne ee 15-kii May iyo magacaabista Xamse oo ka soo jeedaa Jubaland.

Khilaafka labada dhinac ayaa banaanka yimid markii Puntland ay dib Muqdisho ugu soo celisay diyaarad gargaar u siday oo ay hoggaamineysay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo xiligaas Kusime madaxweyne dalka ka eheyd..