Xamse oo soo bandhigay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Raii’sul Wasaaraaha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo weli ku gudajira wadatashiyo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisayo ay ahmiyadda Koowaad ay siin doonto sugidda amniga dalka .

Waxa uu sheegay Raisul Wasaaraha in uu doonaayo xukuumaddiisa in ay kaga duwanaato kuwii ka horeeyay iyna muujiso in ay qabato wax shacabka ay baahi u qabaan taas oo ah sugidda amniga.

Waxa uu intaa kudaray in shacabka soomaaliyeed ay nabad gelyo la’aanta ay dhibaatooyin badan ay kala kulmeen taasna ay tahay mida ugu horeyso ay wax ka qabanayaan, isaga oo  tilmaamay in ay kudarayaan hagaajinta garsoorka , cadaaladda , dhismaha Booliska iyo ladagaalanka musuq maasuqa .

Shacabka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada ayuu ka dalbaday in dowladda ay kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka si horay loogu socdo .