Xanuunka uu u geeriyooday Khaalid Xuseen ( Beegsi ) oo la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in la shaaciyay natiijada baaritaankii meydka Allaha u naxriiistee Khaalid Xuseen Maxamed, oo loo yaqaannay Beegsi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili uu cayaarayay kubad.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu ogaaday inuu Khaalid u geeriyooday wadne xanuun la sheegay inuu horeba u qabay.

Wiilkan ayaa fariistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday.

Tartanka kubadda cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuuna dhaxeeyay jaamacadda New Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New Generation.