Xarunta Ciidanka Haramcad Oo Loogu Magac-Daray AUN Farxaan Qaroole.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in xarunta ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loogu magac daray taliyihii geeriyooday ee Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole.

Jeneraal Qaroole oo duhurninadii shalay lagu dilay qarax Miino oo loo dhigay deegaanka Basra ayaa ka sokow inuu ahaa taliyaha booliska gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale ku magacawnaa taliyaha ciidanka Haramcad.

Jeneraal Xijaar oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu aasayay marxuum Qaroole ayaa ku dhawaaqay in xerada Haramcad oo meydkiisa maanta lagu aasay loogu magacdaray taliye Qaroole oo isagoo Shabaab banaanka Muqdisho kula dagaalamaya geeriyooday

“Xeradan aan maanta joogno oo ah Xarunta Ciidanka Haramcad, laga bilaabo maanta waxaa loo bixinayaa ama loo bixiyay ama aan ku dhawaaqaya Xarunta Ciidanka Haramcad ee General Farxaan” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Si kastaba, marxuum Farxaan Qaroole ayaa xiliga la dilayay watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku istaagay Miinada uu ku dhintay.