Xaruntii Idaacad Alshabaab Ee Deegaanka Kuunya-Barrow Oo La Duqeeyey.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Duqeyntan ayaa lala bartilmaameedsaday idaacad ay ururka Alshabaab ku lahaayeen deegaankaas iyadoo duqeyntana ay ka dhalatay burbur iyo waxyeelo kale.

Xaruunta oo ku taalay Deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegayaa in diyaarad aan duuliyaha wadin ay duqeyn u geysatay.

Ma jiro war ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka oo weerarada duqeynta ka geysanayay.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya sanadkan cusub ee 2021.