Xaruun caafimaad oo laga dhagax dhigay Degmada Feerfer.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Maamulka degmada Ferfer ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhagax dhigay Xarunta caafimaadka degmada Ferfer ee gobolka Shabeelle oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u habeyn ballaaran.

Dib u dayactirka lagu dameynayo Xaruunta caafimaadka ee Degmad Feerfeer ayaa waxaa iska kaashanaya qurba joogta kasoo jeeda Degmada iyo shacabka ku nool Degmada Feerfeer, kuwaas baahi weyn u qaba hormarinta iyo tayeenta dhanka caafimaadka.

Guddoomiyaha Degmada iyo waaxda caafimaadka iyo hormarinta arrimaha bulshada ee Degmada ayaa goob joog ka ahaa dhagax dhigga xaruunta, waxaana la qorsheynayaa in dib u ballaarin lagu sameeyo si mustaqbal dhow loogu adeego bulshada Degmada Feerfer loogana haqabtiro baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Degmada.

Sidookale bulshada kunool Ferfer ayaa markay aragtay baahida looqabo in ladayro xarunta caafimaadka ayaa waxay go’aansadeen inay iyagu is abaabulaan oo ay dhistaan dayrka sidaasaana saaka lagu dhagax-dhigay dhismihiisa.

Qurba joogta iyo bulshada ku nool degamada gaar ahaan dhallinyarada iyo aqoonyahanada ayaa marwalba waxay u taagan yihiin sidii ay u dabooli lahaayeen baahi kasta oo ka jirta Degmada gaar ahaan dhanka arrimaha bulshada, waxaana arrintaan sabab u ah isku duubnida iyo wadajirka hogaanka iyo bulshada inteeda kale.