XASAAS:- Al-Qaacida oo si toos ah u soo faragelisay dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, General Cabdalla Cabdalla, oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ugu dhuun duleela isku milanka Al-Shabaab iyo Hay’adaha Amniga, ayaa ka dhawaajiyay arrin la xariirta dacwada Fahad Yaasiin u gudbiyay Maxakamadda sare,.

Qoraal gaaban oo uu ku qoray bartiisa Facebook, ayuu General Cabdalla, ku sheegay, in faraca Al-Qaacida ee bariga Africa Al-Shabaab, ay cadaadis xooggan saareen hoggaanka Maxakamadda Sare, isla-markaana lagu amray in ay dedejiyaan go’aanka dacwada uu agaasimihii hore ee NISA, ka gudbiyay Guddiga Doorashooyinka.

“Al-Shabab waxay cadaadis ku saareen Maxkamadda sare inay dhaqaajiso galka dacwo ee Abu-Camaar [Fahad Yaasiin] ka gudbiyay Gudiga FEIT”, ayuu yiri General Cabdalla, kaasoo Afartii sano ee la soo dhaafay si aan qarsoodi lahayn u sheegayay in Fahad uu cilaaqaad xooggan la leeyahay hoggaanka Sirdoonka Al-Shabaab.

Maxakamadda sare ee dalka, ayaa shalay u fariisatay dhageysiga dacwad uu eedeysane Fahad, ka gudbiyay, Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal, [FEIT], kuwaas oo wax kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashadii kursiga HOP086, isla-markaana uu ku raacay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka..

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Baashe Yuusuf Ahmed, oo la rumeysan yahay inuu Farmaajo iyo Fahad ku daaban yahay, ayaa dhageysi kadib sheegay in Maxakamaddu qaraar ka soo saari doonto dacwada, kaasoo sida loo badinayo u xaglin doona Fahad, waxaana hadda u sii dheer cadaadiska ka imaanaya Al-Shabaab.

Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda NISA, General Cabdalla Cabdalla, ayaa bishii Sep, 2018, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, u gudbiyay dacwo ka dhan ah Fahad, eeddeeduna ahayd inuu la shaqeeyo Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, dacwadaas waxaa qabtay Xafiiska Xeer Ilaalinta 2-dii September 2018.

Farmaajo ayaa Cabdalla, ka raacdeeyay xilkii uu ka hayay NISA, kadib markii ay isku dhaceen Fahad, isla-markaana uu Janaraalku sheegay inuu bannaanka keenayo xogaha la xariira cilaaqaadka uu Fahad la leeyahay Al-Shabaab, oo ah koox diimeed dagaal kula jirta Dowladda iyo maamullada dalka tan iyo 2007-dii.

Dhamaadki sanadkii hore New York Times, oo ka mid ah majaladaha ugu afka dheer Mareykanka, ayaa qortay in Fahad Yaasiin saaxiibkiis, Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu yahay khabiirka ugu sarreeya dhanka qaraxyada Al-Shabaab, taas ayaan fududeysay xiriirka labada dhinac…