XASAASI:- Dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Farmaajo & saaxiibadiisa siyaasada oo Muqdisho ka socoto.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guux ayaa ka jira Magaalada Muqdisho iyo qorshooyin ka dhan ah Madaxweyne  Farmaajo waxaana socdo dhaq dhaqaaq ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo & saaxiibadiisa siyaasada.

Inkastoo la ogeyn cida gadaal ka taageereysa dadka wada qorshaha hadana waxaa la rabaa in la hor istaago dib udoorashada madaxweyne Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in la sameyn doono Kutlad xildhibaano ah baarlamaanka cusubna ka kooban oo Aqalka sare iyo golaha shacabka iskugu jira.

Ujeedkooda waa inay ka dhiidhiyaan shirka la iskugu tegayo Baydhabo oo mid la mid ah shirkaasi kaga dhawaaqaan Muqdisho hadii sida wax loo qorsheeyey isbadel ku imaanin.

Dhinacyada u ololeenaya barnamaijkaasi ayaa laga soo xigtay in ay yihiin Kutlad isbadel doon ah kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda ololaha dib usoo laabashada Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa laga yaabaa in Kutladaan ay kasoo dhex muuqdaan C/raxmaan c/shakuur,C/raxmaan Odawaa, Qaali Shire, & Xildhibaano kale oo laga soo doortay Hirshabelle, Gobollada Waqooyi, Beelaha Banaadiriga iyo K/Galbeed.

Shukaaminta xildhibaanada dooran ayaa socota oo ku aadan inay qeyb ka noqdaan kutladaan oo la rabo in lagu fashiliyo damaca Fahad,Farmaajo iyo Lafta gareen ay doonayaan in dib xukunka Nabad iyo nolol ugu soo laabato.

Lama saadaalin karo waxa dhici kara balse guux siyaasadeed ballaaran ayaa caasimada ka jira,gaar ahaan meelaha ay mucaaradka iskugu yimaadaan.