XASAASI:- Fahad Yaasiin oo maanta tagaya Magaalada Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaajir Daahir ayaa Maanta oo sabti ah ku wajahan yahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha ayaa maanta lagu wadaa inuu qaato shahaadada Musharaxtinimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasi oo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne, sida uu qorshahu yahay.

Ammaanka guud ee Magaalada Beledweyne ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaaladaas, lana dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ka degay diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan Nabadsugida dowladda, kuwaasi oo ilaalo u ah Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan.

Beesha uu ka dhashay Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay isku raacday in sanadkaan Fahad Yaasiin kursiga la siiyo balse Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah Guddiga Doorashooyinka ayaa diidan in Fahad Xildhibaan loo doorto.