XASAASI:- Go’aanka cusub ee Yuusuf Dabageed ka qaatay doorashadii habeen hore ee Jowhar.

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaa shalay magaalada Jowhar ka dhacday doorasho kursi ka mid ah kuraasta Aqalka sare kaas oo ay ka dhalatay buuq iyo rabshado ka dhacay hoolka doorashada kadib markii sida aan xog ku helnay  Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar ka mid ah guddoonka barlamaanka ay balanta uga  baxeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed.

Sida ay warbaahinta ogaatay, Dabageed ayaa lagu qanciyey in laga talo-galin doono murashaxiinta beeshiisa. Beesha Xawaadle ayaa laba kursi ku leh Aqalka Sare, waxaa marka laga soo tago kursigan muranku ka taaganyahay hore loo doortay Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) oo ka sharaxnaa dhanka Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in madaxda Hirshabelle iyo qaar ka mid ah xildhibaanada  in Cali Guudlaawe iyo qaar ka mid ah guddoonka barlamaanka ay u ololeynayeen in la soo saaro murashax ay wateen Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdalle Cabdi Xuseen, halka  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo xildhibaanada beeshiisa ay dabada ka riixayeen Cali Shacbaan Ibraahim.  Musharax Cali Shacbaan ayaa helay 28 cod, waxaana ku xigay Cabdalla Cabdi oo helay 29 cod, halka musharax Cabdiqaadir Xanafi Sheekh uu helay 35 cod.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa guux iyo dareen ka dhex jira labada dhinac oo xiisada ka dhalatay kursigan ay keentay inuu hakad ku yimaado xiriirkii wadashaqeyn ee ka dhaxeeyay labada xafiis ee ugu sareeya Hirshabelle.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan garabka Dabageed iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay inay qarka u saaranyihiin inay ka dhoofaan magaalada Jowhar. Waxay sheegeen in aan la ixtiraamin saami qeybsiga ay ku leeyihiin Hirshabelle ayna dareemayaan inuu gacan bidixeeyay Cali Guudlaawe, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhanka kale, kullamo ay yesheen Cali Guudlaawe iyo qaar ka mid ah gudoonka barlamaanka Hirshabelle ayay xogtu sheegaysaa inay uga arrinsadeen sidii ay hore i sii wadi lahayeen doorashada, inkastoo talaabadan aan la ogeyn inuu aqbali doono Yuusuf Dabageed.

Waxaa muuqata in khilaafka ka dhashay kursigan uu dhaliyey inuu madmadow soo kala dhexgalo madaxda Hirshabelle iyadoo hore ay u jirtay in beesha uu ka soo jeedo Dabageed ay saluugsantahay qaabdhismeedka dowlad goboleedka Hirshabelle.