XASAASI:-Musharaxiinta Mucaaradka oo YAABAN iyo Doorashadii oo la afduubtay.

Mucaaradka ayaa ka aamusay Maamul Goboleedyada oo gacanta loo geliyey doorashada
Mucaaradka ayaa ka aamusay Maamul Goboleedyada oo gacanta loo geliyey doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha ee ka soo jeeda garabka mucaaradka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu baal maray shuruucdii doorashada.

Balse Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa ku gacan seyray hadalka Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inuu yahay hal shakhsi oo kaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in “mucaaradku aysan oggoleyn habka loo wajahay doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.

Waxa hadda socda ayuu sheegay in aan lagu magacaabi karin doorasho.

“Hab raaca doorashada ee qoran waxay ka billaabataa odayaasha dhaqanka. In ugu horreyn la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka, la tababaro, kaddib ay ergo xulaan, ergadaas la tababaro, nidaamkii lagu heshiiyay ee kootada ahaa ee dhinaca haweneka ama bulshada rayidka ah la caddeeyo, ka bacdi ayay imaaneysaa in xildhibaannada ay is diiwaan geliyaan.

“Waxaasoo dhan lama marin ee waxaa laga billaabay meeshii ugu dmabeysay oo ah inuu xildhibaan isdiiwaan geliyo, oo ergadii aan la aqoonin, odaygii aan la aqoonin, nidaamkii aan la aqoonin, waxaas marka waa waxay dhihi jireen ‘dhac maalin ah oo cad’, taas doorasho ma aha, magac kale ha loo raadiyo,” ayuu yiri musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku dhaliilay inuu “gabay” mas’uuliyaddii ka saarneyd kormeeridda hannaanka doorashada.

Mucaaradka ayaa ka aamusay Maamul Goboleedyada oo gacanta loo geliyey doorashada halka Ra’iisul wasaaraha oo gacanta ku haynin doorashada ay dhaliil la daba taagan yihiin, ayagoo Mucaaradka ku kala qeybsamay eedaha loo jeediyey Ra’iisul wasaare Rooble.