XASAASI:- Qoorqoor oo dhexda ugu jira Dagaalka kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dooran doona 8 xubnood.

Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia.

Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara,  mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban.

Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda.