Xasaasi:- Waayihii Janaraal Xuud oo dhamaad ah iyo Guudlaawe oo tagaya Beladweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa xaqiijiyay in ay guuleysatay tijaabadii ugu horreysay ee doorasho loogu qaban lahaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kadib markii shirka Golaha Wasiirada uu si nabad ah ugu qabsoomay Beladweyne.

Ujeedada shirka Golaha Wasiirada loogu qabtay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegay in la tijaabinayay in halkaas lagu qaban karo doorashada iyo in la qiimeeyo dhaq dhaqaaqa ay sameen karaan maleeshiyaadka Janaraal Xuud.

“Dagaalkii shalay dhacay waxa uu ahaa mid ay galeen askar kooban waxaan rabnay inaa tijaabino awooda Xuud iyo dhaq dhaqaaqa dhalinyarada uu lumiyay ee beeshiisa waxaana soo baxday hal doorasho iska daaye xataa Guudlaawe aan keeni karno” ayuu yiri mid kamid saraakiisha ugu dhow Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan Beladweyne.

Sarkaalkaan ayaa u baxay in uu soo qiimeeyo xaalada magaalada iyo awooda diidan Cali Guudlaawe waxaana lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu dhaw MW Guudlaawe.