Xasaasi: wafdikii ka socday Faransiiska ee soo gaaray Muqdisho iyo Dowladda Soomaaliya.

15

MUQDISHU-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot, iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa ugu danbeeyn uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kusoo dhaweeyay Muqdisho.