Xasan Firimbi iyo 8 Mudane kale oo Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaannimo

MUQDISHO-AYAAMAHA- Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa weli ka socota diiwaangelinta iyo Shahaado siinta Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Guddiga doorashooyinka ay Maanta Gelinka hore  diiwaangeliyeen Xildhibaano dhowr ah.

Xildhibaannada Maanta la diiwaangeliyaya oo Shahaadada la siiyay ayaa waxaa ay ka kala soo jeedaan Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

  1. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) HoP#166
  2. Mohamed Abdullahi Keyse HoP#073
  3. Sadiya Yasin Haji Samatar HoP#129
  4. Hassan Abdi Ismail HoP#217
  5. Omar Ibrahim Hashi HoP#114
  6. Roda Arab Abdi HoP#219
  7. Khadra Mohamed Tukale HoP#274
  8. Sahra Olad Abdi HoP#018
  9. Zamzam Dahir Mohamud AS#12.

Xildhibaanada cusub ayaa maalmaha soo socda imaanayaan magaalada Muqdisho si ay isu diiwaan gelinayaan oo ay u qaataan shahaadada xildhibaanimo iyo kaararka aqoonsiga.