Xasan Sheekh iyo C/kiriin Guuleed oo ka hadlay go’aankii R/wasaare Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku boggaadiyey dadaallada uu ku xaqiijinayo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.

Xasan Sheekh oo Qoraal soo dhigay bartiista Facebook ayaa waxaa uu tallaabo muhiim ah ku tilmaamay xilka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada.

Sidooklae Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kriiin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyey guddiga uu kala diray R/wasaare Rooble.

“Waa soo dhaweynayaa tilaabada laga qaaday Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo ay howlihiisu hareeyeen musuq, eex iyo siyaasad, waxeyna igula muuqataa tilaabo wanaagsan oo bilow ka noqon karta saxidda geedi socodkaasha.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa kulankii fogaan aragga ahaa ee Golaha wadatashiga Qaran iyo Midowga Murashaxiinta ay xalay yeesheen, kaas oo asgana ahaa tilaabbo xagga wanaagsan loo qaaday. Anigoo rajeynaya inuu deg deg ku qabsoomi doonno shirkii fool ka fool ahaa,ayuu yiri C/kiriin Guuleed.