Xasan Sheekh Iyo Xamse Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Dagaalkii Boosaaso.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiya Samatar ayaa xalay kulan gaar ahaa waxaa ay ka  yeesheen dagaalkii ka dhacay Mahaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya waxaa goob joog ka eheyd gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo sabab u eheyd dagaalka, maadaama ay waday diyaarad gargaar siday oo aan lagu wargalin madaxweynaha maamulkaas, iyadoo diyaarada dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka duushay.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ay khadka taleefonka kula hadleen Madaxweynaha Puntland oo dalka dibaddiisa ku maqan, iyaga oo kala hadlay  dejinta xiisadda Boosaaso.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu si deg deg ah Garoowe ugu soo laaban doono, waxaana Puntland tegi doona Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha midkood si ay uga wada hadlaan dhacdadii Boosaaso iyo wadashaqeynta dowladda Soomaaliya & Puntland.

Madaxda ugu sareysa ee dalka ayaa sidoo kale ku guuleyatay iney baajiyaan kulan ay xalay warfidiyeenka kuala hadli leheyd xildhibaan Sacdiya oo ay ku faah faahin leheyd dhacdadii Boosaaso, waxaana la rumeysan yahay in kulankaasi uu uga sii dari lahaa xaaladda haatan ee Boosaaso oo wali ay isku horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.