Xasan Sheekh oo albaabadii ka xirtay Xildhibaano la kulmi lahaa

MUQDISHO-AYAMAHA-Kulankii dhexmaray saacado ka hor Xasan sheekh Maxamuud iyo Xamse Cabdi Barre ayaa xogaha laga helay waxay sheegayeen in arinta Xukuumada soo magacaabideeda la dedajiyo si wakhtiga haray looga faa’iideeyo shaqo badana ay taallo.

Xildhibaanada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey sida la sheegayo in iyadoo wadatashi lala sameyn maadaama deegaanada Dawlad gobolleedyada ay metalaan hadana la magacaabo Xukuumad cusub.

Akhbaaraadka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday la kulanka xildhibaano codsaday inay iska arkaan arinta Xukuumada lasoo dhisayo,isagoo la ogaa inta badan inuu safaro dibada ah ku maqnaa.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa mashquul badan uu ka jiraa iyadoo ay siyaasiyiin ubadan mucaaradkii qeybta ka ahaa isbadelkii dhacay ay xildoon u yihiin Xukuumada cusub sidii loogu soo dari lahaa.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna jahwareer kala kulmaya araajiyada dad qurba joog iyo qorrax joog iskugu jira kuwaas oo shaqo ka raadinaya Dawlada Cusub Ee Soomaaliya ka dhalatay,balse waxay umuuqataa in go’aan uu ka qaato badankood dadkaasi si uu uhelo kuwo Isfahan dhexmari karo oo hore uwada shaqeeyeen.

Lama ogaan karo jawi siyaasadeedka isbad badelka ku dhisan Ee Soomaaliya xalka ay ku dambeyn doonto,xilli lasoo warinayo in siyaasiyiin badan ay rajo beel dareemayaan xil ay loo ballan qaaday.