Xasan Sheekh oo beeniyay inay kala qeybsan yihiin Midowga Musharrixiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay warar lagu faafiyey baraha Bulshada oo lagu sheegayey inay kala qeybsameen oo laba garab kala noqdeen xubnaha Midowga Musharaxiinta oo siweyn uga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh oo ka hadlaayay Munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la faafiyey ay sheegayey inay Musharaxiinta Musharaxiinta kala qeybsameen oo ay kala tabeen, isagoona beeniyay warkaas oo uu xusay inay faafiyeen taageerayaasha dowladda.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh Maxamuud in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Xasan Cali kheyre.

“ Majiraan inay kala qeybsan nahay, inaan Afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, balse majiraan wararka dadka qaarkood ay sheegayaan ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamed.

Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay doorashada, isla markaana Farmaajo dhibaatooyin kala geysan, ayna u harsan tahay oo kaliya inuu isaga istoogto, waa sida uu hadalka u dhigay Xasan Sheekh.