Xasan Sheekh oo billaabaya qorshe halis ku ah midowga Musharaxiinta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadka soo socda bilaabaya kulamo uu Muqdisho kula yeelanayo xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka midka ahaa Isbaheysigii Midowga Musharaxiinta ee uu xubinta ka ahaa xilligii Mucaaradka ku ahaayeen dowladdii hore.

Waxaa maalmaha soo socda Muqdisho tagaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka qeyb geli doona kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday siyaamileyda siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh ayaa ka codsaday inuu isugu yeero kulan uu la qaato xubnaha saamileyda siyaasadda si ay dood iyo aragti wadaag uga yeeshaan heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Xubnahan Siyaasiyiintan ayaa war ay si wadajir u soo saareen waxay ka soo horjeesteenqodobada ka mid ah heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa hannaanka la rabo inuu dalka u guuro ee ah nidaamka Madaxtooyada iyo in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray.