Xasan Sheekh Oo Fashiliyey Qorshihii Ololaha Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud ayaa banaanka soo dhigay qorshe uu damacsanaa inuu adeegsado ololahiisa doorashada.

Xasan Sheekh oo qoslaaya ayaa markii la weydiiyay in Madaxweyne Farmaajo uu dhowaan sheegay inuu ku deysto Madaxweynihii hore Aden Cabdulle Cusmaan Aden Cade ayaa yiri.

“Ceeb weyn ayey Aden Cade ku tahay in Farmaajo dhaho isaga ayan ku deystaa. Aden Cade nin been badan ma aheen. Farmaajo wuxuu doorashada kusoo galay Wada been ayey noqdeen”

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Xasan ayaa fashiliyey qaabkii hore ee oloaha madaxweyne Farmaajo kusoo galay taas oo aheyd in qofkii Shabaab soo sheego la sii doono $100,000 ama hadii uu rabo dibada loo diri doono.

“Aaway Dadkaan dhoofina, kii qarax soo sheego lacag ayaan siinaa. Gurigii qarax ku dumo waan dhiseeynaa. Wado ma xireeyno.. aaway balamihii”

Isagoo mar ka hadlaayo inuu iska dhigo sidii madaxweynihii hore Aadan Cadde ayuu yiri “Sawirka uu meesha suray waa kaar xoqasho. Waxa uu doonayaa inuu isku qariyo. Anaga Aden Cabdulle Cisman Qalbigeena ku qornay.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamud oo qoslaya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Xasan Sheekh weerar afka ah ku qaado Farmaajo, inkastoo Madaxweyne Farmaajo la sheegay inuu amray weeraro iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday Xasan Sheekh Maxamuud.