Xasan Sheekh oo ku guuleystay in Madaxda maamul goboleedyadda Muqdisho isugu keeno

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida ay xaqiijiyeen dad xog ogaal ah Madaxda maamulada dalka ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee casimada Soomaaliya saacadaha soo socda, waxayna yeelan doonaan shir ku saabsan arrimaha guud ee dalka.

Shirkaan oo uu hooggaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeyb gali doona Ra’iisul Wasaara dalka, Madaxda Dowlad gobolleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Kulankaan ayaa hore loo qorsheeyay inuu billowgii bishaan ka dhaco magaalada Garowe, hayeeshee, ugu danbeyn dhinacyada ayaa isku raacay in loo weeciyo Muqdisho oo ah xurunta ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya midkii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya tan iyo shirkii labada maalin socday ee ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya maalmo kadib doorashadii 15-kii bishii May 2022.

Madaxweynaha oo shicaarkiisu yahay “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” kuma faraxsana jidka dagaalka siyaasadeed iyo yooyootanka taban ee ay durba qaadeen DG wuxuuna diiradda saarayaa in miiska looga wada hadlo tabashooyinka.

Qaar ka mid ah hoggaamiyayasha Dowlad gobolleedyada ayaa imaan doona Muqdisho, halka ay ugu danbeyn ku soo aruuri doonaan Axadda, waxaana jira warar sheegay inuu ka qeyb galka shirka ka caga jiiday Cabdicasiis Laftagareen.

Howlwadeenno ka tirsan Villa Somaliya ayaa sheegay in Madaxweynuhu kaliya diiradda saarayo sidii meesha looga saari lahaa khilaafaadka gacan ku rimiska ah ee Deni iyo Laftagareen abuureen, xilli labaduba dhawaan socdaal ku tageen gudaha Itoobiya.