Xasan Sheekh oo lagu wargeliyey in urur ka daran Al-Shabaab ay kasoo bixi karaan Itoobiya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muuqaal lagu baahiyey Telefishinka dowladda Ethiopia ee ETV ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaal sokeeye oo ugu faca weyn Afrika” oo si gaar u quseysay Madaxweyne Xasan taariikhdiisa, markii uu Madaxweyne noqday sanadkii 2012 illaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha 15 May 2022.

Warbixintan waxay muujineysaa in uu jiro xiriir la’aan iyo tuhun kala fogaansho, taasoo Madaxweynaha loogu sheegayay in hadda la joogo waqtigii uu midnimo iyo garab istaag u muujin lahaa Ethiopia si horay loogu wado Xiriirka labada dal. Waxaa lagu sheegay Warbixinta in Ururka TPLF uu isku dayayo in Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaado tallaabo wax u dhimi karta danaha Qaranka dowladda Ethiopia, haddii uu tallaabadaas qaadana ay horseedi karto in ka dhalato Urur ka khatar badan Al-Shabaab, isla markaana uu weyn karo xulufo weyn oo Gobolka ah.

Sidoo kale waxaa dhanka kale ay muujiyeen in xiriir ka dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta xukunka lagala wareegin sanadkii 2018 waana arrin wayn oo aan fududayn.

Waxaa kaloo warbixinta xustay xiriir dhow ee u dhaxeeyay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy.