Xasan Sheekh Oo Markale Eedeyn Kulul U Jeediyay Madaxda Dowladda

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay dhanka sugida Amniga dalka  Afartii sano ee la soo dhaafay.

Xasan Sheekh oo Garoowe uga qeyb-galay Barnaamij su’aalo lagu weeydiinayay ayaa sheegay in markii uu xilka qabanayay Al-Shabaab laga saaray muqdisho, isla markaana dowladiisa ay suurtagashay inay Shabaab ka saarto degmada Baraawe iyo degmada aadan-yabaal.

Waxaa uu sheegay in xilligii uu Madaxweynaha ahaa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay magaalada Jowhar, hayeeshee maanta degmada Hiliwaa aan gaari lagu tegi karin taasina ay cadeyneyso in amniga uu faraha ka baxay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in afartii sano ee la soo dhaafay sidoo kale dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku guuldareysatay waxka qabashada arrimo badan muhiim ah.